Dhuusomareeb oo laga dareemayo diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha.105 Views
Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magacaabay guddi ka shaqeyn doono amaanka magaalada iyo dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu sunna. Guddigaasi oo ka kooban dhowr xubnood ayaa laga doonayaa inay ka shaqeeyaan qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdigiisa ee la filayo inay gaaraan magaalada Dhuusomareeb. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa markii ugu horeysay isaga la filayaa inuu gaaro caasimadda Galmudug ee Dhuusomareeb tan iyo markii la doortay.
Madaxweyne Farmaajo oo safaro ku maraya gobolada dalka qaarkood ayaa la filayaa inuu tago magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Galmudug. Webmaster@raasmedia.net COMMENTS
|
|