Dhacdo Ugub ah-Gabar Baafinaysa Hooyadeed 27 sano kadib.

Barnaamij Gaar ah Talo iyo Taageero MDX Farmaajo

Wareysi gaar ah Guddoomiyaha Maxkamada sare ee S-land Aaden Xaaji Cali.

Wareysi Kooban Amb-Maxamed Cabdi Afeey iyo Shirkii Kismaanyo!!

Daawo- Munaasibadii Soo Dhaweynti Jaalliyada UK u Sameysey R/W Hore M C Farmaajo ee London oo Buuxda.

Waraysi Gaara oo Dhinacyo Badan Taabanaya Ra’iisal wasaarihii Hore ee Somalia M C Farmaajo.

Falanqeyn-Weerarkii Saxaafi Hotel iyo Baroordiiqdi Masuuliyinti ku Dhimatey.

Wareysi Shiino Iqyaar-Kooxda Waayaha Cusub

Wareysi-Wasiirad Fowsiyo yuusuf X Aaden

Wareysi Xildh-Fowsiyo Yuusuf X aaden Vs Monitory Group.

Barn-Gaar ah(Dhacdadii hargeysa ee Guriga F X Cali)

Tartankii Musharaxnimada madaxweynaha ee 2012(Waa Kuma Siyaasigu)?

Wareysi Gaar ah Guddoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe

Wareysi Gaar ah oo Dhinacyo badan Taabanaya Xildh-Xusseen Carab Ciise.

Hambalyada iyo Salaamaha Ciida Hctv ee 2015.

Barnaamij Gaar ah wareysi Wasiir/kuxigeen A-D ee Somaliland Keyse 2017

xys-

Dowladda Britain oo ka digtay Weerarro ay Al-shabaab ka geysato dalka Jabuuti.

346 Views

 

2014525635365877093917257Jabuuti-21

Xukuumadda Britain ayaa sheegtay in Al-shabaab ay wado qorshe ay weerarro argagaxiso kaga geysanayso dalka Jabuuti, kaddib markii Al-shabaab ay sheegatay qaraxyo ismiidaamin ahaa oo bishii hore dhammaadkeeda ka dhacay maqaayad ku taalla Jabuuti, qaraxyadaasoo sababay dhismasho iyo dhaawac.

Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay ka go’an tahay inay weerarro la beegsato dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo ay ku jiraan Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo saddexduba daris la ah Soomaaliya. “Waxaa jira warar lagu kalsoon yahay oo muujinaya in Al-shabaab ay doonayso in ay weerarro argagaxiso ka geysato bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaalla dalka Jabuuti, kuwaasoo ay ku jiraan goobaha ay ku sugan yihiin dadka reer galbeedka ah,” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Britain.

Mas’uuliyiinta dalka Jabuuti ayaa horay u sheegay inay adkeynayaan amniga guud ee dalkooda si aysan u dhicin weerarro la mid ah kuwii ka dhacay maqaayadda ay inta badan wax ka cunaan dadka reer galbeedka ah.

Balse Al-shabaab ayaa xustay inay kordhinayso weerarrada ka dhanka ah Jabuuti. “Sababaha keenaya in Jabuuti iyo danaha reer galbeedka ee dalkaas ku yaalla ay Al-shabaab beegsato waa kaalinta ay Jabuuti ku leedahay howlgalka AMISOM iyo sidoo kale marti-gelinta saldhigyada dalalka reer galbeedku ay ku leeyihiin Jabuuti,” ayaa lagu yiri warbixinta xafiiska.

Warka ay soo saartay dowladda Britain ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ay isku diyaarinayaan sidii ay u xoojin lahaayeen howlgallad ay kawadaan Soomaaliya si ay Al-shabaab deegaannada ay ku sugan yihiin uga qabsan lahaayeen.

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo toddobaadkan ay Britain ay muwaadiniinteeda ku sugan dalalka Bariga Afrika sida Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Uganda oo gabi ahaan ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya ay ka digtoonaadaan inay tagaan meelaha ay dadweynuhu ku daawanayaan ciyaaraha. “Weerarro argagixiso ayaa horay loola beegsaday goobo lagu daawanayay ciyaaro qayb ka ahaa kuwii koobka adduunka ee 2010-kii, halkaasoo ay ku dhintee dad aad u fara badan, marka waa in laga digtoonaadaa goobahaas oo kale,” ayuu xafiisku ku yiri digniinta uu soo saaray.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in sababihii ay Jabuuti u beegsatay ay tahay in ay tahay dal ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin dalalka galbeedka, isla markaana laga soo abaabulo weerarrada tooska iyo kuwa duqeynta ah ee reer galbeedku ay ka geystaan Soomaaliya. (xgs-Hol)

Raasmedia.net

Webmaster@raasmedia.net

Info@raasmedia.net

COMMENTS

Linkiga Duran shirwa/youtube.

Falanqeyn-Shirkii Hiigsiga okt-2015 ee mugdisho-Tarsan Vs Eng-Yariisow.

Dareenka shacabka/masuuliyiinta xisbiga tayo

Barnaamijka Dhextaal.(Dhextaalka Rabadaanka)2014

Barn-Dhextaalka Ramadaanka ee 2017-Dhacdooyinkii Bisha Ramadaan.

DFS oo Qaadatey Taladii Shacabka Accounti Cusubna U furtey Ciidamada.

Barn-Gaar ah(Falanqeyn Sh Jabuuti Somalia Vs Somaliland)

Barn-Gaar ah(Falanqeyn Xukuumadii DFS ee CCC Sharmaarke oo lakala Direy)

Barnaamij Gaar ah Waraysi Amb. Mohamed A Affey

Madaxweyne Xassan shiikh Shalay iyo Maanta!!!

Barn-Dhextaalka Rabadaanka Doorashadii MDX Galmudug 04/07/15

Aaskii Marxuum(AUN)C/qaadir Xaaji Masale ee London 27/06/15.

Ii Dheh.



style="display:inline-block;width:320px;height:100px"
data-ad-client="ca-pub-8569827251521160"
data-ad-slot="9449382535">